Make your own free website on Tripod.com
SAXAABA Home | Contact Us | Search

Maxaa Cusub?
Saxaabada
Maqal (Audio)
Service Request
Suggestions
Catalogs / Manuals
Support Forum

Maxaa Cusub?

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Sidaad ogtihiin dhawaan waxaan soo galinay qisooyinka saaxabada, ilaa hadana waan wadnaa inaan soo galino qisooyinka saaxabada oo dhameystiran, dhowrkii saxaabo oo ugu danbeeyay ayaan pageka hore idiin soo galineynaa si aad o ogaataan  waxa cusub.

Cabdullaahi Binu Xudaafa

Abul-Caas Binu Rabiic

wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.  Sii Aqri Abul-Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb galo dagaalkaas. Sii Aqri

Ummu Salama

Cabdullahi Binu Cabbaas

Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.

Sii Aqri

Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Sii Aqri

 

Cumeyr Binu Wahab

Cabdiraxmaan Binu Cawf

Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa. Sii Aqri Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta) ka dib maalintii doorashada khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw) uu noolaa. Sii Aqri

 

 

 

 

 

 

 

Home | Maxaa Cusub? | Saxaabada | Maqal (Audio) | Service Request | Suggestions | Catalogs / Manuals | Support Forum

hadaa heyso qiso cusub oo saxaabi, fadlan nala soo xiriir [ saxaaba@hotmail.com ].
Copyright © 2007 [SAXAABA]. All rights reserved.
Last modified: 03/18/07.